Seminaar SRFS ku qabtay magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna
Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed wuxuu 16/2/2008 ku qabtay magaalada Borlänga ee gobolka Dalarna aqoonkororsi lagu wacygalinayo waalidiinta soomaaliyeed ee ku nool Borlänga iyo nawaaxigeeda.
Ujeeda aqoon iswaydaarsigaan waxuu ahaa kor u qaadida doorka waalidiinta iyo xoojinta isfahanka waalidiidka iyo ilmahood. Siminaarkanu wuxu qaynka yahay barnaamij ballaadhan oo taxane ah, kaas oo SRFS ku doonayo horumarinta mustaqbalka carruurta soomaaliyeed ee ku nool Sweden. Seminarkan oo had iyo jooraale ay iska kaashadaan dalladda SRFS iyo ururada xubnaha ka ahi waxa hore looga hirgeliyey magaalooyinka Stockholm iyo Örebro.
Magaca siminaarka: Seminarium om Föräldraroll och gränssättning
Goobta: Maserskolan, Borlänga

Baaq ku socda ururada xubnaha ah

Ururka Isbahaysiga Umadda Soomaaliyeed wuxu ugu baaqayaa ururada xubnaha ka ah sidii SRFS iyo uruada xubnuhu issaga kaashan lahaayeen in barnaamijkan laga hirgeliyo magaalooyinka uradaasi ka hawl galaan.
Taas oo looga jeedo dhalinta aqooniswadaarsi iyo dood ku saabsan mustaqbalka carruurta soomaaliyeed ee goobahaas.