Kalfadhigii 12aad ee ururada
xubnaha ka ah dalladda SRFS ![]() |
| Kalfadhigii 12 ee ururada xubnaha ka
ah dalladda SRFS oo sannadkan ka - idanka Ebbe ka dhicidoona magaalada
Göteborg. Shirku wuxu socondoonaa sabtida iyo axadda oo ku beegan
29-30/3-2008. Shirkan oo ku soo beegmay xilli ay kor ugu kacday tirada urada xubnaha ka ah SRFS wuxu isugu jiridoonaa qayb kalafaaiidaysi iyo aqoon-iswaydaarsi ah iyo qaybo ka kooban ka doodista iyo asixinta qodobadii hore loo soo jeediyey in wax laga beddelo ee xeerhoosaadka. Ugu dambayntii waxa kalfadhigu doorandoonaa dhammaanba guddiyada kala duwan ee SRFS oo xilligoodii labada sano ahaa ku eegyahay shirkan. |
| Ajandaha shirka oo faahfaahsan waxad ka akhrisandoontaa somsweden.com dhowaan. |
| Ciwaanka goobta shirka, Adressen till hotelet |
Klick här för: Vägbeskrivning.Halkan taabo tusmada jidka goobta shirka |
Dhigaalka xubinnimada iyo ka qaybgalka kalfadhiga Sida ku cad xeerhoosaadka ururka waxa waxa shirka uu u furanyahay oo ka soo qaybgeli kara ururada xubnaha ah iyo ciddii marti ah ee gaar loogu casuumo. Marka la codaynayo waxa cod leh oo keliya ururada bixiyey dhigaalkii 2007. Ururada cusub ama aan weli bixin dhugaalkii bixinnimada ee sannadlka 2007 laakiin bixiyey 2008 waxa u furan in ay shirka ka qaybgalaan iyo in ay fekrado soo jeediyaanba. Laakiin uradaasi waxay codaynkaraan ugu horrayn shirsannadeedka 2009. Si ay inoogu fududaato ogaanshaha tirada dadka ka soo qaybgelaya kalfadhiga waxa guddiga fulintu ka codsanayaan dhamman ururada in ay ugu dambayn 28/2 soo gudbiyaan tirada shirka uga qaybgelaysa iyo magacyada islamarkaana urukii aan dhigaalikkii bixini soo bixiyo inta ka horraysa 28/2/2008. Ciddii xilligaas ka dibdhacdaa hubaal ma aha inay helayso jiif iwm. |
| Xaddiga lacagta dhigaalka ururadu waa
in ururku bixiyo 5kr oo lagu dhiftay tirada xubnihiisa. Waxa lagu
shubayaa koontada Dalladda oo ah
Plusgirot:153
54 74-9 Soo gudbi fekradahaaga iyo tollyinkaaga ka hor 20/3/2008 |
| Cidkasta oo xubin ka ah SRFS waxa u
furan in ay ugu dambayn 20/3 u soo dirto wixii aragtideeda xarunta
dalladda, ciwaanka hoos ku qoran ama e-mail-ka dalladda ee
srfs@telia.com
Somaliska Riksförbundet i Sverige
Box 19165, 104 32 Stockholm Ama ku soo dir halkan;
Halkan riix |
|
|